SAWIRRO:-DFS oo ciidamo cusub geysay degmada Doolow

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta  Ciidamo cusub waxaa ay ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana ciidamadan loogu tala galay sugista amniga xuduudka u dhexeysa soomaaliya iyo Kenya.

Tirada ciidamada maanta la geeyay degmada Doolow ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad boqolaal askar oo ka tirsan ciidamada gor gor ee xoogga dalka.

Garoonka Diyaaradaha diyaaradaha degmada doolow waxaa Ciidamadan kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah  Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee  Degmada Doolow Cabdulaahi Cumar Cilmi iyo masuliyiin kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saacaddaha soo aadan uu degmada Doolow uu halkaasi gaari doono Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Cabaas Aamin Cali.