Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay kulan loogu ducaynayey Shuhadadii 14 Oktoobar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qayb galay kulan duco ah oo lagu xusayay Shuhadadii ku shahiiday weerarkii arxandarada ee ay argagixisadu la beegsadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Zoobe, ayaa culimada ugu baaqay in bulashada ay ku hagaan sidii loo dabar jari lahaa fikirka xagjirka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 14 oktoobar ayaa sheegay in qoys walba oo Soomaaliyeed ay gaartay dhibaatada ka dhalatay falkaas murugada leh ee ay ku shahiideen boqollaal muwaadiniin ah oo u taagnaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

“Culimada Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan bulshada, sidaas awgeed waxaan ka codsanayaa inay xoojiyaan dadaalkooda ay kaga wacyigeliyaan halista fikirka argagixisada, si ubadkeenna wax ka barta madaarista quraanka loogu barbaariyo qiyamka udub-dhexaadka u ah diinteenna iyo in bulshada Soomaaliyeed u iftiimiyaan sida argagaxisadu ay sawirka xun uga bixinayso diinta” .

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso tayeynta ciidanka, si ay uga ciribtiraan guud ahaan dalka kooxaha argagixisad ah ee u taagan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.