Qaramada Midoobay Iyo IOM Oo Ka Wada Hadlay Xaaladdo Ka Jira Soomaaliya

0

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya  ee James Swan ayaa kulan Khadka Internet-ka ah la yeeshay Madaxa hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), Antonio Vitorino.

James Swan iyo Madaxa IOM Antonio ayaa ka wada hadlay Arrimaha hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee dalka, si loo hubiyo in gargaarka bani’aadanimada ah uu gaaray dadka barakaca ah ee ku sugan Somalia ee wajahaya xaaladaha xiligaan jira sida Cudurka COVID-19 iyo amni darrada.

Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Xaaladaha murugsan ka jira xiligaan dalka Soomaaliya ay u baahan yihiin xal dhammaystiran.

“James Swan iyo Antonio Vitorino waxay ka wada hadleen xalka howlaha hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo hubiyo in gargaarku wuxuu gaaro dadka gudaha ku barakacay ee wajahaya COVID-19, xilligan adag oo ay wehliyaan caqabadaha xagga amniga ah” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska QM ee Somalia.