Madaxweyne Farmaajo, RW Rooble Iyo Guddoomiye Mursal Oo Kulan Yeeshay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada dalka.

Kulankaas oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa looga hadlay soo magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda oo weli aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaanada Golaha Shacabka Codka kalsoonida ah siiyeen Maxamed Rooble.

Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isagoona tiro labada jeer ah kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa la sheegay in Farmaajo iyo Rooble ugu yeereen wadatashi, waxaana la sheegayaa in Guddoomiye Mursal uu miiska saaray xubno uu doonayo in Golaha Wasiiradda loogu daro.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada latashiyadii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo Golihiisa Wasiirada cusub, isagoona horey u balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad ka qeyb qaatada hanaanka Doorashada dalka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda lagu dhawaaqi doono saacadaha soo socda, isla markaana waxaa la sheegayaa in Golaha ay dhex muuqan doonaan  Wasiiro horey uga tirsnaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.