Madaxwayne Farmaajo oo ka Hadlay Go’aanka kasoo baxay Madaxwaynaha Trump

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Markiiba ka fal-celiyey hadalkii kasoo baxay madaxweynaha Mareykanka ee ahaa in ciidamadiisa uu ka saarayo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay barta Bloomberg oo faaloota ganacsiga ayaa sheegay in uusan dooneyn bixitaanka ciidanka Mareykanka ee haatan jooga Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sababta diidmadiisa la xidhiidhiyey dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaaab ee weli ka socda gudaha dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu jeclaan laan lahaa in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya, si ay u wiiqaan awooda Al-Shabaab.

Dad badan ayaa sidoo kale ka digay qorshaha Trump uga saarayo ciidamada Mareykanka Soomaaliya, iyagoo xusay in Al-Shabaab ay weli halis ku yihiin dalka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad kun askari, kuwaas oo saldhig ballaaran ku leh gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna caawiyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sidoo kale dhankooda duqeymo diyaaradeed ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.