Maamulka puntland oo kala diray guddi shaqaynayay mudo lix sano ah

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay kala dirtay Guddigii Rugta Ganacsiga Puntland, kuwaasi oo soo shaqeynayay lix sanno, lana doortay sanadkii 2014.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kala diray Guddigii Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland, isla markaana la qaban doono Doorashada Guddiga Cusub.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cabdullaahi Xirsi in dhowr jeer dib u dhac uu yimid Doorashada Guddiga Rugta Ganacsiga, isagoona haatan ugu baaqay Gacsatada inay u diyaar garoobaan Doorashada Guddigaas.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa shaaciyay in Doorashada Guddiga Rugta Ganacsiga Puntland la qaban doono 14-ka bisha soo socota ee November 2020, uuna socdo diyaar garoow.

Si kastaba Guddigii Rugta Ganacsiga Puntland ee Maanta uu kala diray Wasiir Cabdullaahi Xirsi ayaa soo shaqeynayay tan iyo sandkii 2014, xili muddo xileedka Guddiga Rugta Ganacsiga uu yahay saddex sanno.