DAAWO:-RW. Rooble oo ka hadlay Qaraxii SOOBE , Kuna dhowaaqay go’aan Xasaasi ah

0

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay maanta munaasabad lagu xusayay dadkii ku dhibaatoobay qaraxii 14-ka October 2017 ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay iney xukuumadiisa la imaaneyso qorshe ka dhan ah Alshabaab.

Tiyaatarka Qaranka ayaa xus iyo duco loogu sameeyay dadkii qaraxa ay dhibaatada kasoo gaartay, balse qudbadda Ra’isul wasaaraha cusub wuxuu xoogga ku saaray ka hadalka Alshabaab.

Ra’isul wasaaraha wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay iney la timaado qorshe farsamo leh oo Alshabaab lagu xakameyn karo ama looga takhalusi karo.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in gawaarida ay weerarada iyo Qaraxyada ku fuliyaan ay ka helaan dad ay qaraabo yahiin, taasna loo baahan yahay in il gaar ah loo lahaado oo la ogaado wax walba oo ku saabsan si loo soo afjaro qorhahooda.

Dhanka kale RW Rooble wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidanka Ammaanka, kuwaas oo u diyaar ah iney ka hortagaan weerarada Al-Shabaab si dadka Soomaalida ah ay nabad ugu noolaadaan.

Wuxuu si gaar ah Culimada Soomaaliyeed ugu soo jeediyey  inay qaataan doorkooda ku aadan   Sidii loo Cidhib tiri lahaa Fikerka Argagixisada.