Amniga Magaalada Jowhar Oo Aad Loo Adkeeyay Iyo Olole Socda

0

Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid leysku haley karo, kaddib howlgalo ay ka sameeyeen dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay Jowhar.

Taliyaha saldhigga boliiska caasimadda Jowhar dhamme Maxamed Siyaad Cali “Canjeex” ayaa tilmaamay in xaafadaha magaalada iyo bannaankeeda ay ku leeyihiin xarumo laga sugo ammaanka ayna ka sameeyaan howlgalo joogto ah.

Howlgallada sare loogu qaadayo ammaanka ayaa waxey ku soo aadayaan xilli Jowhar ay ka socdaan ololaha doorashada baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle, waxaana la filayaa in halkaas lagu qabto doorashada Madaxda Maamulkaas.

Sidoo kale Jowhar ayaa waxaa ku sugan Guddiga soo xulista ah Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka.

Si kastaba Jowhar ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, sidoo kalena ay ka dhaceen weeraro, waxaana Mas’uuliyada falalkaas sheegtay Al-shabaab.