Ciidammada Dowladda Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Tuulo Istiraatiiji Ah

0

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa dagaal muddo kooban socday kadib qabsaday tuulada Basra oo qiyaastii 14 km galbeed uga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalaamyaasha Al-Shabaab.

Hawgalka lagu qabsaday Basra oo bilowday barqadii maanta ayaa inta aanay caadamada dawladdu galin waxay dagaal ku galeen deegaanka la yiraahdo Daniga oo aan ka fogeyn Basra markaas oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay qaraxyo iyo weerarro toos ahba la beegsatay ciidanka sida ay warbaahinta  u sheegeen dadka deegaanka.

Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka Basra lagu qabsaday mana jiro waxa warra oo ka soo baxay labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerar dhabba-gal ah ay la eegteen Ciidamo Huwan ah, xili ay socdaal ku marayeen inta u dhexeeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu gubay gaari nooca dagaalka oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, isla markaana weerarka uu kasoo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Basra ayaa ah tuulo istiraatiiji ah oo isku xirta degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, waxana intii muddo ahba gacanta ku haysay Al-Shabaab oo u adeegsan jirtay goob ay dadka ugu yeerto gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho iyo Balcad si ay awaamiirteeda u fuliyaan.