Shirka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad goboleedyada oo heshiis hor u dhac ah laga gaaray.

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in  shirka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada uu hatan marayo meel wanaagsan, islamarkaana la filayo in saacadaha soo aadan la soo gaba gabeyn doono.

Ilo xog ogaal ayaa  sheegay in is-faham laga gaaray dhismnaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah; guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Labada guddi ee heer federal iyo heer gobol ayaa qorshuhu yahay in ay si wadajir ah u maamulaan  doorashooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddigan xalinta khilaafaadka uu magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hayeeshee  waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada.

Sidoo kale labada guddiga ee kale doorashada ay kala magacaabi doona madaxweynaha iyo madax goboleedyada.