Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0

Qarax xoogan ayaa goor dhow waxaa laga maqlay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Balack Sea ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxu uu ahaa is-miidaamin, waxaana meesha uu ka dhacay ka agdhow goob ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Warar hor u dhac ayaa sheegaya in haweenay isku qarxisay sarkaal ka tirsan ciidamada Dharcadka ee ku sugan nawaaxiga Isgoyska Balack Sea, kaasi oo lagu magacaabi jiray Caano Geelle

Ma jiraan xogtaasi ka dheer oo laga hayo qaraxa