Daacigii Weynaa Ee U Dhashay Masar Oo Geeriyooday

0

Allaha u naxariistee daacigii weynaa ee Masriga ahaa Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq ayaa geeriyoodey.

Marxuum Cabdulraxmaan Cabdul-Khaaliq, wuxuu ahaa qof wacdiya dadka oo ugu yeera Diinta Islaamka, wuxuuna qorey 60 buug oo Diini ah.

Cabdulraxmaan wuxuu ku dhashey Manuufiya oo woqooyi kaga beegan magaalada Qaahira, waxaana sannadkii 1965-tii uu macallin ka noqdey Kuwait oo uu ku nolaa 55-kii sano ee u dambeeysay, isagoo ku geeriyooday caasimadda dalkaas magaalada Kuwait.

Daaciga ayaa la sheegay in da’diisu ay ahayd 81 sano.