AFRICOM oo kordhineysa weerarada ay u qaadaan Alshabaab

0

Taliska ciidamada Milatariga Maraykanka ee Africom ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo cadaadiska lagu hayo ururka Al-Shabaab ee ka dagaalada dalka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa ku tilmaamay in Alshabaab uu yahay ururka ugu awoodda weyn ee argagaxisada ah ee ka jira qaarada Afrika.

AFRICOM ayaa sheegtay in Alshabaab uu doonayo in dagaalkoodu uu balaariyo isla markaana weeraro ka geysto meelo ka baxsan dalka Soomaaliya.

“Waan la soconaa weerarada ay kordhiyeen alshabaab iyagoo adeegsanaya gaadiidka waxyaalaha qarxa lagu soo xiro.”ayuu yiri sarkaal ka tirsan Alshabaab.

Taliska ciidamada Milatariga Maraykanka ee Africom ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga curyaamiyo ururka Alshabaab dhinaca dhaqaalaha maadaama dhaqaale badan uu ka soo galo gudaha Soomaaliya.

Warbixin ay laanta afka soomaaliga ah ee VOA ka diyaarisay ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamada Africom ay qasaare ka soo gaartay la dagaalanka Alshabaab.