Safaarada dowladda Maraykanka ay ku leedahay Itoobiya ayaa waxaa ay ku wareejisay wasaaradda difaaca dalka Itoobiya agab ciidan oo ay ugu tala gashay in ciidamada militeriga dowladaasi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ay ku dagaalamaan Al-Shabaab.
Tababar ay dowladda Maraykanka siisay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM iyo agabka ciidan ayaa lagu sheegay in qiimo ahaan uu ku kacayo $2.9 Milyan oo dollar.
Wasaarada difaaca Itoobiya kaalmada ay ka heshay Maraykanka ayaa isugu jirta baabuurka gurmadka deg-deg ah (Ambulances), gawaarida yaryar ee (Land Cruisers), kuwa qaada sahayda iyo Askarta ee dusha sare ka furan iyo agab kale oo ay adeegsanayaan ciidamada.
Waaxda howl galka Maraykanka ee qaarada Africa ayaa shaacisay in ay doonayaan in la laba jibaaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo loo marayo wadamada askartooda ay qaybta ka yihiin AMISOM.