Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Oo Farriin U Diray Wasaaradda Qorsheynta

0

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug  Cali Dahir Ciid oo maalmahan a waday dardargalinta Howlaha Wasaaradaha ayaa manta booqday Wasaarada Qorsheynta, hormarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah ee Galmudug oo ka mid ah Wasaaradaha ugu shaqada badan Galmudug.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa waxaa halkaasi ku so dhaweeyay Wasiir Dowlada Wasaarada qorsheynta Galmudug Cumar Zaki, iyo Wasiirku xigeenka Wasaaradasi Khadar Biciid.

Madaxwaynaha ayaa Masuliyiintaasi ka dhagaystay warbixin guud oo wasarada ku saabsan asago sido kale so indho indheyay qaybaha ay ka kooban tahay Wasaarada qorsheynga Galmudug.

Madaxweyne Eid ayaa ku amaanay masuliiyiinta Wasaarada qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug qorshayaasha cad cad oo aay Galmudug u diyaariyeen iyo Shaqada qimaha leh ee ay u hayaan Galmudug wuxuna faray in ay si labo jibaaran howlaha shaqo oo aay u hayaan Galmudug

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maalmahan ka socday dardargalinta Howlaha ay qabtaan wasaaradaha kala duwan ee Dowlada Galmudug waxana muqda labo kaclayn ay samaynayso Galmudug.