Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal tacsi ah u diray dowladda Kuwait

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda iyo shacabka Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal afka Carabiga ku qornaa oo lagu daabacay Barta Twitter-ka waxaa tacsi gaar ah loogu diray qoyska Boqortooyada Kuwait iyo eheladii uu ka baxay Amiirka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Kuwait uu ka dhaxeeyo xiriie wanaagsan.

Waxaa uu sheegay Amiirka inuu ahaa nin caan ku ah arrimaha sama falka iyo bani’aadanimada.

Sheekh Nawaaf Al-axmed oo walaal la ahaa Amiirka geeriyooday ayaa maanta loo dhaarin doonaa Amiirka cusub ee Kuwait, waxaanakulan yeelanaya Baarlamaanka dalkaas.

Amiir Sabaax, waxa uu muddo ka badan nus qarni ku jiray siyaasadda dawladda Kuwait, isagoo noqday, Ra’iisal wasaare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirkii arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeraa Kuwait, sidoo kalena waxa uu Amiir dalkaasi ka noqday 2006-dii.