Guddoomiye Filish oo eedeeyay Ganacsatada qaar ee Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in wadooyin badan oo ku yaalla muqdisho oo Maamulka Gobolka Banaadir dhismahooda uu ku bixiyay mallaayiin Dollar la burburiyay.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatada waratada ah eek u nool Muqdisho wadooyin badan oo la dhisay ay ganacsiyo yaryar ka sameysteen, isla markaana qarkood ay laamiga surteen dalado burburiyay wadooyinka.

Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay dhismaha wadooyinka muhiimka ah eek u yaalla Muqdisho, hayeeshee Bulshada aysan fahansaneyn Sahqooyinka loo haayo.

Wadooyin faravbadna oo ku yaalla gobolka Banaadir ayaa la dhisay, waxaana qaarkood ay noqdeen kuwo dib u burburay oo xilliyada roobka ay biyo farabadan fadhiistaan.