Duqa Muqdisho oo sheegay in shacabka gobolka Banaadir aysan ka qayb qaadan bilic soo celinta Caasimada

0

Gudoomiyha gobolka Banaadir ahan duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish ayaa waxa uu ku eedeeyay shacabka ku nool degmooyinka uu ka kooban yahay  gobolka Banaadir in ay burbur u gaystaan, waddooyinka degmooyinka ay ku nool yihiin.

Waxa uu sheegay in waddooyinka ay dawlada Soomaaliya ku sameyso dayactirka iyo dhismooyinka aysan shacabku daryeelin, oo ay burbur u gaystaan.

Waxa uu sheegay in kharash badan uu dawladda uga baxo bilic soo celinta degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana shacabka laga doonayo in ay kala qayb qaataan arrintaas, oo ay xil iska saaraan sidii ay u daryeeli lahaayeen.

Dhismooyinka iyo dayactirka ka socda gobolka Banaadir ayaa waxa ay qayb ka tahay mashaariicda dib u soo nooleynta bilicda Caasimada Muqdisho.