DF oo Muqdisho ku xirtay ganacsato waaweyn oo xiriir la sameeyey Al-Shabaab

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku xiray ganacsato iyo gaadiidley lagu tuhmaayo in ay xiriir la lahaayeen ururka Al-Shabaab.

Ganacsatada la soo xirey waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi. Ganacsatadan ayaa la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka soo dhex xireen.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah ehellada Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in sababta loo xiray ganacsatadan loogu sheegay inay la xariirto macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir oo uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa Xaaji Maxamuud iyo guddiga kale oo iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku mideysanyihiin ay isqabteen kadibna ay Al-Shabaab isku dacweeyeen.