DAAWO:-Dr. Cali Khaliif Galaydh oo si kulul uga hadlay Su’aashii Madaxwayne Farmaajo ee Gobolada SSC

0

Dr. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka Khaatumo ee Heshiiska aan Fulin la galay Somaliland, Kuna sugan hada magaalada Jigjiga ee Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa ka hadlay Arimo kala duwan iyo Su’aashii Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo laga waydiiyey gobolada  Sool iyo Sanaag, ee uu ka gaabsaday.

Wuxuu ka hadlay  Arinta Dhismaha maamulada  Dalka Iyo Sidii madaxwaynihii Hore ee Xasan sheikh  u sheegay inayna Qorshaha ugu jirin gobolada Waqooyi (Somaliland). “Inuu khaatumo iyo inta rabta Midnimo Soomaaliyeed,   waxba u ahayn waanu aragnay,    Koonfur ayuu maamulada u dhisayey,  markaas ayaan go’aan ka qaatay inaan Xamar waxba noo oolin”. Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Dhinaca kale wuxuu kahadlay Su’aashii dhowaan Gobolada Sool iyo Sanaag laga waydiiyey madaxwayne Farmaajo

Madaxwaynihii wuxuu yidhi Su’aashu waa mid adag, Waxaanu u Qaadanayn inaan Sool, Sanaag iyo Cayn waxba u oolin Muqdisho, Isagu (Farmaajo) Sidii  Xasan ma odhan halkaas waxba nagama jiraan, Hada ogow Maamulada kale dawladda aya dhistay waad ogtahay galmudug inta Qarash ku baxday,  Farmaajo sidii Xasan warkiisa ma Cadaysan Balse  Ood Jiidin iyo Qaadis waa ila guryo gayn.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.