Waare iyo Gen Odowaa Yuusuf Raage oo ka wadahadlay sugida amniga Hirshabelle

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha Qeybta 27-aad ee ka howlgala Deegaannada Hirshabelle, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira ammaanka Deegaannada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare Ayaa Taliye Odowaa iyo saraakiishaasi kala hadlay Xaaladda amniga HirShabelle, iyo dardargelinta barnaamijka kalaguurka Soomaaliya ( Somalia Transitional Plan) ee xorreynta degaanada HirShabelle

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arimo kale.