Shaqada garoonka Aadan Cadde oo saakay hakad ku jirta+Sababta

0

Waxaa saaka hakad ku jirta shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay gadood sameeyeen sharkadaha duullimaadyada.

Dad ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shaqa joojintan ay salka ku heyso gadood ka dhashay xayiraad ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay mid kamid ah shirkadaha duullimadyada oo loo diiday inay tagto magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Guddiga ay ku mideysanyihii shirkadaha diyaaradaha ayaa shalay ku dhawaaqay inay shaqa joojin sameynayaan hadii dowladda Soomaaliya aysan ka laaban go’aanka ay magaalada Doolow uga joojisay mid kamid ah shirkadaha gudaha dalka ka sameeya duullimaadyada.

Gabi ahaanba waxaa saakay hakad galay duullimaadyadii tegi jiray gobollada dalka, waxaana garoonka ku xayiran boqolaal shacab ah oo ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxaa socda dadaallo xal loogu raadinayo arrintan, iyadoo buuq iyo iska daba wareeg badan laga dareemayo garoonka, welina dowladda Soomaaliya wax war ah kama soo saarin arrintan.