Madaxwayne Erdogan oo si kulul uga Hadlay dagaalka Armenia iyo Azerbaijan , Muxuu Wacad ku maray ?

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Armenia inay si deg deg ah uga baxaan dhulka Azerbaijan ee ay soo galeen, si loo dhameeyo dagaalka u dhaxeeya labada dal.

Ugu yaraan 21 qof ayaa Isniintii lagu dilay maalinkii labaad ee dagaalka ka dhashay gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh, oo ah gobol ku yaalla dalka Azerbaijan, balse ay degan yihiin dad Armenian ah.

Ankara ayaa ballan qaaday inay taageero buuxda siin doonto Azerbaijan.

“Waxaa la gaaray waqtigii lasoo geba-gebeyn lahaa xasaradda gobolka, oo ka dhalatay markii la qabsaday Nagorno-Karabakh. Gobolka mar kale ayuu nabad heli doonaa haddii Armenia ay si deg deg ah uga baxdo dhulka Azeri ee ay haysato,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey magaalada Istanbul.

Waxa uu sheegay in kooxda Minsk – oo ay hogaamiyaan Russia, France iyo Mareykanka, islamarkaana dhex-dhexaadinayey Armenia iyo Azerbaijan – ay ku guul-darreysteen inay xiisadda xaliyaan muddo 30 sano ah.

“Azerbaijan waa inay arrintan gacmaheeda ku xalisaa, haddii ay jeceshahay iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Erdogan. “Turkey waxay sii wadi doontaa inay garab taagnaato Azerbaijan, ayna ku taageerto wax kasta oo ay awooddo.”

Ayada oo labada dhinacba uu midba midka kale ku eedeynayo dagaalka, ayaa hogaamiyayaasha dunida waxa ku baaqeen deganaan, ayada oo ay jirto cabsi ah in dalal quwado weyn sida Turkey iyo Russia ay soo geli karaan dagaalka.

Armenia iyo Azerbaijan oo labadaba horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed la xiriira gobolka Nagorny Karabak, oo ay marar badan ku dagaalamee, uguna dambeysay 2016.

Gobolkan ayaa madax-banaani ku dhowaaqay horraantii sagaashamaadkii kadib dagaal ay ku dhinteen in ka badan 30,000 qof, balse ma jirto cid aqoonsan, xitaa Armenia, balse caalamka ayaa u aqoonsan inuu ka tirsan yahay Azerbaijan.