Faah-faahin:-Al-shabaab oo Xalay Dilay Diini Barre Uboow

0

Al-shabaab ayaa xalay Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo,waxa ay ku dileen sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan la dilay ayaa gacan saar la lahaa Ciidamadda Mareykanka iyo Kuwa AMISOM ee Ka Sugan Gobolka Gedo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Laamaha amaanka kooxo bastooladdo ku hubeysnaa oo Shabaab ka Tirsanaa ayaa dilay sarkaalka,waxayna ka qaateen hub uu watay.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Diini Barre Uboow oo kamida ahaa saraakiisha ugu caansan Gobolka Gedo.