Doonyo iyo Maraakiib aad u badan oo maanta ku xayiran dekedda Boosaaso

0

Wararka aan saakay ka heleyno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran-yihiin doonyo iyo maraakiib sida shixnado ganacsi.

Doonyo iyo maraakiib ku xayiran xeebta Boosaaso ayaa u raran ganacsato Soomaaliyeed.Waxayna ka soo shiraacdeen qaar ka mkd ah dalalka Carabta, gaar ahaan Cummaan iyo Imaraadiga Carabta.

Sababta ka dambeysa xayiraadooda ayaa waxaa lagu sheegay inay timid kadib markii maamulka dekaddu ku war-geliyay in ay ku hakadaan xeebta, maadaama ciid la sheegay in ay buuxisay Marinka dekedda.

Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaa maamulkeeda gacanta ku haya Shirkadda P and O, oo ay leedahay DP World oo Imaaraadka laga leeyahay.

Shirkadda ayaa la sheegay inay dayactir iyo ballaarin ku sameyneyso dekedda, waxaana lagu dhalilayey waayihii dambe in shirkadaas aysan waxaba ka qaban dekedda, intii ay maamulkeeda gacanta ku heysay.