DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo tababar u soo xiray dufcadii 1aad ee Ciidanka Daraawiishta Galmudug

0

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xerada ciidanka Indhaqaris ee ku taala duleedka degmada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray dufcaddii 1aad oo si buuxda u dhammaysatay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay dufcaddan qalinjabisay in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda ku aadan sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka cadawga, Isagoona u ballanqaaday in Dowladda Galmudug diyaar la tahay xuquuqdooda.