Dadka xanuunka covid 19 ugu dhintay dunida oo ka batay hal milyan oo ruux

0

Dadka dunida ugu geeriyooday xanuunka Covid-19 ayaa waxa ay ka saramareen hal milyan oo ruux sida ay ku waramayaan cilmi baarayaasha,

Daraasada ay sameeso jaamacadda Johns Hopkins ayaa muujinaysa in wadamada Mareykanka, Brazil iyo Hindiya oo qura ay ku dhinteen ku dhawaad kalabar dadkaasi.

Xanuunkan ayaa markiisii ugu horeesay dabayaaqadii sanadkii hore ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha isagoona kadib si fudud ugu fiday dunida inteeda kale.

Hay’adda Caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO ayaa dhankeeda ku waramaysa in dadka Fayraska-Karona caalamka ugu dhiman kara ay gaari karaan illaa iyo labo milyan.