Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogtay Nin Dil Geystay

0

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob  fagaare ah oo ku taalla degmada Ceel-cali ee Gobolka Hiiraa waxaa ay ku toogteen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ninka ay Al-shabaab toogteen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Aadan Cali oo 44 sanna jir, kaasi oo la sheegay inuu si bareer ah u dilay  Xasan Cismaan Ibraahim, waxaana goobta uu xukuna ka dhacaayay ku sugnaa dadweyne farabadan.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in markii hore ay Ehellada laga dilay Marxuum Xasan Cismaan ay u bandhigeen in ay diyo qaataan, in ay cafiyaan ama in loo qisaaso, iyagoona dalbatay in la toogto Xasan Aadan.

Al-shabaab ayaa marar badan xukuno kala duwan ku fulisay dad dilal ka geystay deegaanada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin, kuwo lagu eedeeyay in ay la shaqeenayeen dowlada federaalka iyo dad kale oo lagu eedeeyay inay Sirdoon u ahaayeen dowlado shisheeye.