Maxkamad adag ku riday nin kufsaday gabar sanad jir ah

0

Maxkamad ku taala Ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa Jimcihii aynu ka soo gudubnay ku xukuntay 50 sano oo xabsi ah nin dhalinyaro ah oo kufsi u geystey gabar hal sano jir ah oo uu hooyadeed qabay.

Ninkan oo 20 sano jir ah ayaa la sheegay inuu ku sugnaa tuulada Dheerqalle, oo ka tirsan deegaanka Banisa.

Xaakim Kimani Mukabi ayaa sheegay in caddeymo lagu helay ninkan kuwaas oo muujinaya inuu kufsaday gabadha yar.

Hooyada gabadhan ayaa sheegtay inay guriga ku sugneyd abbaarihii 8pm ayna casho diyaarineysay, markii ay maqashay qeylada gabadheeda.

Haweeneydan ayaa sheegtay in gabadha yar iyo ninkeedu ay guriga hurdeen, sidoo kalena uu guriga joogay cunug kale oo saddex jir ah. Markii ay guriga gashay ayay sheegtay inay aragtay dhiig ka daadanaya xubinta taranka ee gabadha, iyo ninkeeda oo suuliga sii galaya.

Gabadha yar ayay sheegtay inay u qaadday isbitaalka Banisa si loogu daweeyo.
Ninkan lagu eedeeyay falka kufsiga ayay booliisku sheegeen inuu ku dhuumaaleysanayay tuulo u dhow Dheerqalle, markii ay soo xirayeen.