Magaalada Melbourne oo Xayiraadii Laga Qaadey iyo Soomaalida oo ka hadlay

0

Magaalada Melbourne oo muddo ku dhow sedex bilood Bandow saarnaa ayaa maanta laga qaaday, iyadoo xayiraadaha kalena xoogaa laga qafiifiyey.

Magaaladan ayaa ah mida ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee wadanka Australia degen.

Muddo saddex Bilood ah ayaa magaaladu ay Bandow ahayd,   Waxaana la sheegay inuu wax badan ka taray  faafitaankii Cudurka Koroonaha.

Qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan ku dhaqan  dalkaasi ayaa sheegay in Xayiraada la qaaday aysan wax Micno ah ku fadhiyin, Maadaama aan la heli Karin waxyaabihii aad u baahnayd.

Sidoo kale waxaa loo ogolaaday Qaar kamid ah Bulshada inay Banaanka ku kulmi karaan, Balse waxaa la diiday inay guryaha isku booqdaan.

Waxaa sidoo kale weli xayiraad saaran tahay in Qofku aado meel ka durugsan.

Dad badan ayaa awoodi waayey inay Ehelkooda oo magaalada la degan Tacsi usoo diraan.