Guddiga farsamadda soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabelle oo kulamo ka bilaabay Jowhar

0

Guddiga farsamadda ee soo xulista Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hirshabelle ayaa kulamo hor u dhac ah waxaa ay ka bilaabeen magaalada Jowhar ee gobolka shabeellada Dhexe.

Masuuliyiinta guddiga ayaa waxaa kulamo la qaateen odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Jowhar, iyagoona kala shiray sida ugu haboon ee loo soo xuli karo xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle.

Guddigan farsamadda soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle aya ka kooban 11 xubnood waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay guda gali doonaan soo xulitaanka Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Shacabka ku dhaqan goboladda Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa il gaar ah ku haaya dhismaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle.