Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya Hindise Sharciyeedka Qaxootiga

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaankaafederaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka doodi doonaan sharciyo dhowr ah.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa uu yahay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Dowladda Soomaaliya .

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Guddoonka golaha shacbka ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay Dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro.