DAAWO:-Maraykanka oo Dayn Tiro badan ka Cafinaya Somalia iyo RW. Rooble oo ka hadlay

0

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala Saxiixday heshiiska deyn cafinta, Hesiiskan oo ka dhacay safaaradda Mareynkanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Iyo Mahdi Maxamed Guulleed Khadar sii hayaha Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in deynta lagu leeyahay Soomaaliya la wada cafiyo isaga oo amaanay dalalka ku jira Naadiga Paris Club .

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Soomaaliya ku lahaa, iyadoo la fulanayo natiijada heshiiskii ay gaareen wadamada Paris Club oo Soomaaliya ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan” ayuu yidhi Wasiir Bayle.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay heshiis labo geesood ah oo ay kala saxiixdeen Dowladda Maraykanka iyo Wasaaradda maaliyadda Xukumada Faderaalka Soomaaliya.

Safaaradda ayaa sheegtay in marka Soomaaliya ay gaarto heerka ugu dambeeya hanaanka dayn cafinta ay ka cafindoonto lacag dhan 1 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.

“Markay Soomaaliya gaarto heerka ugu dambeeya, “Dhamaystirka Qodobka,” Mareykanka wuxuu cafin doonaa in ka badan 1 bilyan oo deyn ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Maraykanku soo saaray.

“Waxaan ku ammaaneynaa DFS horumarka ay ka gaadhay raadinta dib-u-habeynta dhaqaalaha. Ka shaqeynta nidaamka deyn cafinta ayaa u oggolaan doonta Soomaaliya inay dib u soo ceshato helitaanka taageerada maaliyadeed ee hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si ay u maal gashato yareynta saboolnimada iyo kobaca dhaqaalaha” ayaa lagu yidhi Qoraalka Maraykanka oo balanqaaday taageerada Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshiiska ayaa Dowladda Mareynkanka  ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna  sidoo kale ku bogaadayay safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.