Galmudug Oo Digniin U Dirtay Hay’addaha Samafalka Iyo Kuwa Caalamiga

0

Wasaarada qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Digniin ku socotay Hay’adaha samafalka aan dowliga ahayn iyo kuwa Caalamiga ah ee ka howlgala deegaanada maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada qorsheynta Galmudug ayaa waxaa Hay’addaha looga digay inay faragelin ku sameeyaan hanaanka doorashadda Golaha Deegaanka Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Galmudug ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Hay’ad walba oo ku lug yeelata Doorashadda Golaha Degaanka Magaalada Gaalkacyo.