SAWIRRO:-Jubbaland iyo Galmudug oo sameysanaya iskaashi gaar ah

0

Maalmahaanba waxaa Muqdisho ka socday kulamo siyaasadeed oo ay wadaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo dhexdooda ay isugu tegayeen ama la yeelanayeen madaxda kale xisbiyada siyaasadda dalka.

Xalay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan mudo socday kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qoraal kooban oo madaxtooyada Galmudug ay ka soo saartay kulankaas ayaa lagu sheegay in madaxweyne Qoor Qoor uu marti qaaday dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulankaas ay madaxdu uga wadahadleen arrimaha guud ee siyaasadda dalka, iygoo aad ugu dheeraaday tan doorashada ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulankooda ay ku soo hadal qaadeen iskaashi ay yeeshaan labada dowlad goboleed ee Jubbaland iyo Galmudug.

Labada madaxweyne ayaa ugu dambeyntii ku balamay inay isugu yimaadaan kulamo kale, si ay u sii amba qaadaan wadatashigooda ku aadan iskaashi ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadeed ee dalka.