Nin Ku Lug Lahaa Kufsiga Iyo Dilkii Xamdi Maxamed Oo Lagu Qabtay Galgaduud

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay saqdii dhexe Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku qabtay Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kufsiga iyo dilkii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loogu geystay Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku sheegtay in howlgal Ciidanka Galmudug ay sameeyeen Cadaado ay ku qabteen Ninkaas oo ka baxsaday Magaalada Muqdisho.

Taliye Zakiye ayaa magaca ninkaas ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah, waxaana Ciidanka Booliska Galmudug ee ku sugan Cadaado ay dalbatay inay gacanta kusii haayan eedeysanaha.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib” ayay tiri Taliye Zakiye Xuseen.

Sidoo kale Qoraalka ay soo saartay Taliye ku-xigeenka Ciidanka dowladda Federaalka ayaa waxaa ay sii raacsiisay “Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa”.

Si kastaba Taliska Booliska dowladda ayaa shalay shaaciyay in kiiska Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loo xiray 11 qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falkii isugu jiray kufsiga iyo dilka ee loo geystay, isla markaana weli ay ku raad-joogaan dad kale, ayna socdaan baaritaano qoto-dheer ah.