Galmudug oo Ka Hadashay Qabashadda Eedeysane Maxamed Ibraahim

0

Ciidanka Amniga Galmudug ayaa xalay abaaro saqdii dhexe ku guulaystay In ay gacanta ku soo dhigaan eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir, kaasoo ku dhuumaalaysanayay guri ku yaal magaalada Cadaado.

Eedaysane MAXAMED Ibraahim ayaa lagu tuhmaayaa inuu ku lug lahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Laba bilood ka hor ayey ahayd markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Amniga Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo Wiil dhallinyaro ah oo xasuuq wadareed ka soo geystay duleedka magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga Galmudug waxey bogaadinaysaa dadaalka ciidamada amniga iyo taageerada ay shacabka Galmudug la Garab taagan yihiin ciidamadooda..