DHAGEYSO:-Maxaa ka jira in mooshin laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug?

0

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maalin ka hor magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kulan uu buuq badan hareeyay, kadib markii ay isku qabteen ansixinta ajende howleedka golaha ee kalfadhigooda labaad.

Baarlamaanka ayaa laba garab u kala qeybsamay, waxayna qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, ay guddoomiyahooda ku eedeeyeen inuu ku tumanayo xeer hoosaadka golaha.

Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo ka mid ah xildhibaanada garabka eedeymaha u soo jeediyey guddoomiyaha golaha, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dhuusamareeb, waxa uu iska fogeeyey in uu abaabulayo mooshin, isagoo guddoomiyaha ugu baaqay inuu dib usugu laabto oo baarlamaanka ku dhaqo xeer hoosaadkiisa.

Xildhibaan Cabdinaasir ayaa ka mid ahaa xubnihii jagada guddoomiyaha kula loolamay guddoomiye Gacal, waxuuna mudooyinkii dambe ku sugnaa Muqdisho, isagoo dhawaan ku laabtay Dhuusamareeb, intaasi wixii ka dambeeyana waxaa soo baxay guuxa mooshinkan, balse xalay ayuu iska fogeeyay ku lug-lahaanshaha arrintaas.