AFRICOM iyo maamullada Jubbland, Puntland iyo Koonfur Galbeed oo abuuraya iskaashi ka dhan ah Al-Shabaab

0

Safaaradda Mareykanka ee Soomaliya ayaa shaacisay in safiirka Mareykanku uu marti-geliyay kulan looga hadlayey arrimaha amaanka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Kulankaas ayuu safiirku u qabtay saraakiil Mareykan ah oo ka sacday hoggaanka ciidamada AFRICOM iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Twitterka ee safaaradda Mareykanka, kulankaas ayaa aad loogu gorfeeyay dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab oo Mareykanku uu ka gacan siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa looga hadlay dardar gelinta iskaashi xoog leh oo seddaxda dowlad goboleed iyo taliska ciidamada Mareykanka qaradda Afrika ee AFRICOM ay ka yeeshaan xoojinta ammaanka Soomaaliya iyo ka guul-gaarida dagaalka dhowr iyo toban sano jirsaday ee lagula jiro Al-Shabaab.

Taliska ciidamada AFRICOM waxaa kulankaas uga qeyb galay, Taliye ku xigeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Aderson iyo Danjire Young, waxaana shir guddoominayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

Madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, kan  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo kan Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka soo muuqday sawirro ay baahisay safaaradda Mareykanka oo ku saabsan kulankaas.

Dowladda Mareykanka ayaa safka hore uga jirta dowladaha caalamka ee Soomaaliya ka taageera la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, waxayna diyaaradeheeda dagaalku meelo ka mid ah gobollada Soomaaliya ka fuliyaan duqeymo ay ku baacsadaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay ka mid tahay dowladaha tababara, isla markaana gacanta ku haya qeyb kamid ah maamulka ciidamada xoogga Soomaaliya.