Wasiir Ka Tirsan Somaliland Oo Shaaciyay In Laga Helay Cudurka COVID-19

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somaliland Saleeban Yuusuf Koore ayaa daqiiqado kahor shaaciyay in laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, uuna galay xaalad karantiil ah.

Wasiir Saleeban Koore oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Sool ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 laga helay, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Sidoo kale Wasiir Saleeban Yuusuf Koore ayaa waxaa uu tilmaamay in markii hore uu isku arkay Madax xanuun, qandho farabadan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baaritaano, sidaasina looga helay Cudurka, isagoona galay xaalad karantiil ah.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa Carabka ku dhuftay in qaar kamid ah ilaaladiisa laga helay Cudurka, isla markaana ay ku sugan yihiin Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Si kastaba deegaanada Somaliland ayaa horey waxaa looga diiwaan-geliyay kiisas farabadan oo ah Cudurka COVID-19, waxaana sidoo kalena Cudurka halkaas ugu geeriyooday dad dhowr ah, halka kuwo kalena ay ka bogsadeen.