Puntland Oo Joojisay Mashaariic Ay Wadday Somaliland

0

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid mashruuc Biya galin ah oo laga hirgalin lahaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Biya galinta ayaa waxaa wadday Soomaliland, waxaana ay doonayeen in ay biyo-gelin iyo ceel riig ah ka howl galiyaan degmada, balse waxaa arrintaas ka hor yimid Maamulka Puntland.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in  sababta ay u joojisay mashaariicdaasi ay tahay in aysan waafaqsanayn sharciga degmada, sidoo kale waxa Puntalnd ay joojisay Mashruuc kale oo Soomaaliland ay ka wadday  deegaanka Qorof oo hostaga isla Badhan, waxaana mashruucaasi uu ahaa bIyo galin ah.

Guddoomiye ku xigeenka degmada ayaa soo saaray warqad uu ku joojinayo Mashruuuca, Guddoomiyaha Gobolka iyo taliyaha Booliska ayaa sidoo akle ku xusan warqadda.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa jira muran u dhexeeya oo ah xagga dhulka, waxaana ay isku haystaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gonolada Sool iyo Sanaag, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay degaanadaas dagaalo uu dhiig badani ku daatay, inkastoo la xaliyay dagaaladaas.