Madasha ay Hoggaamiyaan Shariif iyo Xasan sheikh oo si kulul uga hadashay Arinta Raysalwasaaraha

0

Madasha Xisbiyada Qaran ee ay Hogaamiyaan Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa shir ay isugu yimaadeen ku soo saaray war-murtiyeed la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee wadanka, waxeyna si weyn dhaliil ugu soo jeediyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Madasha Xisbiyada Qaran waxey madaxweyne Farmaajo ku eedeyeen ku tumasho Dastuur KMG ah ee JFS, cuuryaaminta shaqooyinka Baarlamaanka, sidoo kalana uu meesha ka saaray xukuumadii shaqeyneysay.

Qoraalka Madasha oo waxyaabo badan lagu soo hadal qaaday, waxaa sidoo kale ku jirtay in madaxweynaha lagu eedeeyay inuu sameeyay Jaha-wareer siyaasadeed iyo khilaafaad dabo dheeraaday.

Waxaa intaas sii dheer in kaligii talisnimo ay u arkaan inaan muddo 50 Maalmood ka badan la magacaabin ra’isul wasaare cusub, sidoo kalana aysan dastuurka meelna uga qorneyn magacaabista kusime ra’iisul wasaare.

Madasha ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamtay magacaabista sii hayaha ra’iisul wasaaraha iyo sharciyada ay ansixiso xukuumadda xil gaarsiinta.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale soo jeedisay saddex qodob oo ay dooneyso in la fuliyo