DHAGEYSO:-Guddoomiye Muuddeey”Meeshaan Sharci gaalo lama keeni karo oo maku qancineyno”

0

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa si kulul oo adag uga hadlay Sharciga Dembyada Galmada la xiriira oo qaar ka mida xildhibaannada ay dalbadeen in Baarlamaanka lagu soo celiyo, isagoo ku timaamay Gaalnimo iyo Diin ka bax aysan ogolaaneynin in Baarlamaanka looga doodo.

“Wasaq waaye, qurun waaye, sharci maaha.. wax uusan islaamka qabin, Datuurka qabin lama keeni karo, Ma shaci gaalo ayaan ku dhaqmeynaa .. maxay tahay waxa aad nagu wadaan..? ood nala daba taagan tihiin”ayuu si kulul u yiri C/weli Muudeey.

Guddoomiye Muudey oo sii hadlayay ayaa yiri “Sheydaan waaye, sharci maaha lamana la keenayo halkan… Gaalada Sharcigeeda miyaa inta keeneynaa, miyaanan Diin laheyn, islaam ma nihin miyaa, Sharciga Gaalada ninkii ku qanacsan Gaalada ha aado, Gaal ninkii ku qanacsan gurigiisa ha aado hasoo qanciyo, anaga Ilaahey ayaan qancineynaa..” ayuu yiri C/weli Muudey.

“Mas’uuliyiin ayaa tihiin, waajib waxaa idinka saaran shacabka Soomaaliyeed, Gaalo miyaa Xildhibaan u tihiin, sharci gaalo miyaa ku dhaqannaa, gaalada sharcigeeda inta in la keeno maa shacabka ku dhaqeynaa, wixii sharciga Islaamka iyo Dastuurka qabin lama keeni karo Baarlamaanka”

Doodda weyn ayuu ka dhex dhaliyay sharcigan Baarlamaanka, waxaana dhowaan sharcigan horkeentay Baarlamaanka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin.