Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Shirka Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada

0

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeysay wada hadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana beeshacaalamku ay bogaadisay Madaxda Soomaalida sida ay  uga wada qayb-qaataan wada hadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hannaan doorasho ee la filayo in dalka ay ka dhacdo dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka danbe ee 2021.

“Saaxiibada Caalamku  waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha Caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa sheegay inay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee muhiimka ah lala tashan doono, iyagoo ka codsaday madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta Qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.

Waxaana ugu danbeyn lagu yiri Qoraalka “Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah”.

Wada hadalada u socda dowladda dhexe iyo  madaxda maamul Goboleedyada ayaa meel fiican maraya, waxaana labada dhibnaca hadda u socda shir xasaasi ah oo madaxdu kaga arrinsanayaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.