Xil. Mahad Salaad oo Weerar ku Qaaday RW. Xasan Cali Khayre Kadib go’aankii uu qaatay

0

Xildhibaan Mahad salad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Go’aankii uu Raysal wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xalay ugu dhowaaqay inuu yahay Musharax u taagan Madaxwaynaha DF Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay  Qoraalkii kasoo baxay Raysal wasaare Khayre inay ka Muuqdeen Cabsi iyo degdeg , Wuxuuna tilmaamay inay Haboonayd inuu Munaasibad ku Qabsado magaalada Muqdisho, Kadibna uu ku shaaciyo Qorshiisa Siyaasadeed.

Ugu dambayntii wuxuu Mahad salaad Su’aal iska waydiiyey Sida Xasan cali Khayre dalka Soomaaliya loogu Aamini Karo.!

“Degdegga iyo cabsida ka muuqatay qoraalkii Kheyre xalay soo dhigay facebook-giisa ee lala sugi waayay xaflad in loo dhigo maxaa loo fasiran karaa?!

Nin magaaladii uu deganaa, Ra’iisul Wasaare ku noqday hal habeen xaflad ku dhigan waayay, sidee dal iyo dad in uu hoggaamiyo loogu aaminayaa?!

Hon. Mahad Salad