Wararkii ugu dambeeyay Shirka Muqdisho ee Galay Maalintii Labaad iyo Qodobo Xasaasi ah

0

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Mohamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maalintii labaad qasriga madaxtooyada qaranka ku guddoominaya Shirka Wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo looga arrinsanayo doorashooyinka qaran ee dalka.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya  oo uu shirka ka socdo ayaa sheegaya in qodobo dhowr ah oo ka mid ahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee la doonayo in dib u eegis lagu sameeyo ay isku mari la’yihiin Madaxda.

Inkastoo kulankii shalay uu ahaa mid daah fur ah oo Madaxda isku weydaarsanayeen aragtidooda, lana isku waafaqay in la sameeyo tanaasul ayaa la sheegayaa in kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.

Madaxda ayaa isku haya qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo horay u qaadacay shirkaas qeybna ka aheyn ay doonayaan in qodobada dib u habeyn lagu sameeyo ama wax laga bedelo.

Qodobada doorashada ee doodda ugu adag ka taagan tahay ayaa ah cida maamuleysa doorashooyinka, maadaama heshiiskii Dhuusamareeb 3 uu awood siinayay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka, hase ahaatee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland diidan yihiin, ayna dalbanayaan in la sameeyo Guddi kale oo heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si ay doorashooyinka u maamulaan.

Waxaa kaloo iyana doodda ka taagan yahay tirada ergooyinka wax dooraneysa oo horay u ahaa 301 Ergo, waxaana arrintan qaba in la dhimo inta badan maamul goboleedyada, iyadoo la eegayo duruufaha amni, waxaana jirta soo jeedin ku saabsan in ergada laga dhigo 101 -150.

Arrinta kale ee doodda ugu weyn ka taagan ayaa ah deegaanada la geynayo kuraasta ee ay ka dhacayaan doorashooyinka oo aan la isku raacsaneyn, waxaana Madaxtooyada ay u aragtaa qodobkan midka ugu muhiimsan, maadaama ay dooneyso in Gobolka Gedo oo aan iminka gacanta ugu jirin Maamulka Axmed Madoobe lagu soo doorto kuraasta Xildhibaannada.

Shirkan ayaa la filayaa marka uu soo Dhamaado in laga soo saaro Go’aano kala duwan, Waxayna dadku isha ku hayaan sida ay Madaxdu Tanaasul dhexdooda ah u samayso, iyagoo ka duulaya xaalada guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo ka daalay is qabqabsiga Siyaasiyiinta.