Shirka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada oo maalintii labaad galay

0

Shirka wadatashiga Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Madax Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir  ayaa maanta waxaa uu galay maalintii labaad.

Shirka ayaa waxaa ku sugan madaxweyneyaasha maamulada  Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhinacyada ka qeyb galaya shirka ayaa ka doodaya qodobadii heshiiskii Shirka Dhuusamareeb (3) oo ay diideen ka qaybgalkiisa , islamarkaana ay taageeraan Madaxweynayaasha Maamulada  Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho kulamo ku qaatay madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo haatan isaga soo dhawaanaya marka la eego dhowr iyo tobankii cishe ee lasoo dhaafay.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diidan inta badan qodobada ugu muhiimsan shirka sida qodobka qeexaya tirada ergada ee 301, awoodda la siiyey guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka, qodobka dhigaya in afar deegaan ay ka dhacdo doorashada, qodobka dhigaya in magaaladii ay amni darro ka jirto laga wareejin karo doorashada, qodobka dhigaya in doorashada lagu galo hanaan xisbi iyo kuwa kale.