Qoor Qoor iyo Deni oo xalay ka wadahadlay arimaha doorashada

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay casuumay Madaxweynaha Punland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana labada Mas’uul ay ku wada kulmeen hoyga Qoorqoor  uu ka deggan yahay Muqdisho.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo  shirka ka socda Muqdisho ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen qoor qoor Iyo Deni.

Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Maamaul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa muqdisho uga socda shir xasaasi ah, kaasi oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee dalkku uu maray iyo doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan 2020/2021.