Madaxweyne Farmaajo oo taleefan kula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Suudaan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa la wadaagay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la dareemayaan walaalahooda Suudaan murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda dalkaas aan walaalaha nahay khasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee ka dhshay fataahadaha ku dhuftay dalkaas.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed garab istaagga walaaltinimo ee ay u muujiyeen dalkiisa, gaar ahaan in Muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan dalkeenna laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xiriira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan oo ina garab istaagay xilliyo adag.