Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Mas’uuliyiinta Madasha Xisbiyada Qaran Oo Kulan Yeeshay

0

waxaa hadda shir uu u socdaa Mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabullaahi.

Waxaa la sheegayaa in mas’uuliyiintu ay ka wada hadlayaan arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka, waxaana kulanka ku sugan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasdan Sheikh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xibiyada Mucaaradka.

Kulanka ayaa ka dhacay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana looga hadlayaa sida la sheegay arrimaha siyaasadda dalka iyo sidoo kale marxaladda kala guurka ah, iyadoo si gaar ah ay mas’uuliyiintu uga hadleen doorashoooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada 2020 iyo billowga 2021.